image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Kooxda ‘AS’ oo la sheegay in ay qorsheynayso in weerar ay ku qaado xarunta Xalane

Xafiiska Hay’adda dhinaca ammaanka iyo bad-qabka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay inuu soo saaray qoraal digniin ah oo la xiriira in kooxda Al-shabaab ay qorshaynayso weeraro ay ku qaado xarunta Xalane ee ay Muqdisho ka degan yihiin Hay’addaha UN-ka iyo diblomaasiyiinta caalamiga ahi, sidoo kalena ay ku yaalaan safaaradaha dalalka shisheeye.

Qoraalkan oo saacadihii u dambeeyey si weyn ugu faafay barta X, ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab oo isku soo eekaysiinaya ciidamada sirdoonka iyo ammaanka ee Soomaaliya, isla markaana dirayskooda iyo baabuurtooda wata ay weerar qorshaysan la damacsan yihiin goobaha muhiimka ah ee Muqdisho oo ay xarunta Xalane ku jirto.

Dawladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ammaanka ayaan ilaa hadda ka hadal fariintan digniinta ah been iyo run midka ay tahay, balse waxa ay ku soo beegmaysa xili warbixin dhawaan loo gudbiyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay lagu sheegay in Al-shabaab ay halis ku hayso caasimadda Muqdisho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.