image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamada RSF ee Suudaan oo ku dhawaaqay dowlad gaar ah

Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee RSF ayaa ku dhawaaqay dhismaha dowlad ka soo horjeedda ciidamada qalabka sida ee dalkaas, iyadoo labo sano uu socday dagaal, kaas oo noqday dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu weyn caalamka.

Hoggaamiyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), Maxmaed Xamdaan “Hemedti” Dagalo, ayaa sheegay in kooxdu “ay dhisayso mustaqbalka kaliya ee dhabta ah ee Suudaan”.

Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo London ay martigelisay shir heer sare ah oo lagu xusayay sanadguuradii labaad ee dagaalka Suudaan, halkaas oo xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Lammy uu ku baaqay “dariiq nabadeed”. Dagaalka ayaa socday, iyadoo ciidamadu ay sheegeen inay duqeeyeen fariisimo ay RSF-ta ku lahaayeen duleedka magaalada el-Fasher, taasoo ku qasabtay boqollaal kun inay ka cararaan xerada qaxootiga ee Zamzam.

In ka badan 400 oo qof ayaa lagu dilay weerarradii ugu dambeeyay ee ay qaadday RSF, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyadoo soo xiganeysa “ilo lagu kalsoon yahay”. Laba sano oo uu dagaalku socday, labadaba ciidanka iyo RSF waxaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal, oo ay ku jiraan xasuuq iyo xadgudubyo galmo oo ballaaran.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.