image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Agaasimaha guud ee Shabakada Shabelle iyo ku-xigeenkiisa oo lasii daayay

Waxaa goordhaw dib xuriyadooda u helay Agaasimaha Guud ee warbaahinta Shabelle, Abuukar Sheekh Maxamed ( Abuukar Iskaay) iyo ku-xigeenkiisa Maxamuud Soofeysane oo maanta lagu xiray saldhigga Booliska degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Sababaha loo xiray ayaa lagu sheegay in dowladda ay dhibsatay wareysi Shabeelle ay ka qadaay Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Suleymaan kaasi oo muddo Booliska u xiran.

Shir jaraa’id ay wariyeyaasha Muqdisho ku qabteen magaalada Muqdisho, ayey ku cambaareyeen xariga sharci darrada ah ee maanta loo geystay Agaasimaha guud ee warbaahinta Shabelle iyo ku-xigeenkiisa.

Sidoo kale qaar kamid ah Ururada u dooda warbaahinta ayaa xariga loo geystay Agaasimaha guud ee Shabakada Shabelle iyo ku-xigeenkiisa ku tilmaamay mid xad gudub ku ah xuriyatul qowlka iyo shaqada ay warbaahinta madaxa banaan u heyso shacabka Soomaaliyeed.

Sikastaba in ka badan 20 wariye ayaa siyaabo kale duwan ay dowladda federaalka ugu xirtay magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhigan in ay aad dowladda ula dagaalameyso warbaahinta madaxbanaan gaar ahaan kuwa ka howlgalla magaalada Muqdisho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.