image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Agaasimaha guud ee warbaahinta Shabelle iyo ku-xigeenkiisa oo goordhaw lagu xiray Muqdisho

Ciidamada Booliska saldhigga degmada Xamarweyne ayaa maanta xiray Agaasimaha guud ee warbaahinta Shabelle Abuukar Sheekh Maxamed ( Abuurkar Sky ), iyado saacado ka hor isla saldhigaas lagu xiray Agaasime ku-xigeenka Shabelle Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane .

Maamulka guud ee Shabelle, ayaa shaaciyay in Agaasimaha iyo ku-xigeenkiisa waqto kala duwan looga yeeray saldhigga Booliska degmada Xamarweyne, kaddiban xasbiga la dhigay.

“Gudoonka Sare ee Warbaahinta Shabelle ayaa si adag u cambaareenaya xariga Agaasimahga iyo ku xigeenkiisa iyaga oo dalbanaya in si shuruud la”aan ah loo sii daayo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Shabelle.

Geesta kale Xisbiga Himilo Qaran, ayaa cambaareeyay xariga loo geystay Agaasimaha iyo Agaasime ku-xigeenka warbaahinta Shabelle.

Tallaabadaani waxay muujinaysaa in xukuumadda iyo Booliska Gobolka Banaadir ay dhegaha ka fureysteen baaqyada la xiriira joojinta cabburinta saxaafadda xorta ah.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu sidoo kale ka xunyahay in xariga agaasinka warbaahinta Shabeele uu ku soo beegmay iyadoo labo maalmood kahor Booliska Gobolka Banaadir uu xoriyadiisa ka qaaday muddo kooban Weriye Faysal Cumar oo ka tirsan wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxaya Booliska Soomaaliya oo looga hadlayo xariga loo geystay Agaasimaha warbaahinta Shabelle iyo ku-xigeenkiisa oo ku xiran saldhigga Booliska degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.