image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Meydka Gen Sheegoow oo loo qaaday magaalada Jowhar si loogu aaso

Meydka Jeneraal Sheegoow Axmed Cali, ayaa maanta laga qaaday Muqdisho isga oo la geeyay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si halkaasi loogu aaso.

Ka hor inta aan la qaadin Meydka Jeneraalka ayaa salaada Janaasada waxaa lagula tukaday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Eelkiisa iyo dad badan oo shacab ah.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yaroow, ayaa kamid ahaa dadkii maanta salaada Janaasada ku tukaday Jeneraal Sheegoow.

Dad badan oo ka qeyb galay galbinta meydka Sheegoow, inta loo waday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen Takbiirta, ayaga oo dalbanaya in ay cadaalad u helaan Jeneraal Sheegoow oo horay maxkamad ugu xukuntay 10 sanno oo xabsi ciidan ah.

Ciidamada dowladda oo rasaas ku furay  dadka dhiyay  mudaaharaad ay kaga soo horjedaan dowladda kuna taageerayeen Sheegoow, ayaa waxyeelo kasoo gaartay rasaasta ay ciidanka adeegsanayeen kuwaasi oo hadda lagula tacaalayo caafimaadkooda isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Qaar kamid ah Ehelka Jeneraal Sheegoow, ayaa sheegay in dowladda si ay meydka Sheegoow ugu qataan ku  xirtay in ay bixiyaan lacag ku dhaw 62 kun oo dollar.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in Jeneraalka uu u geeriyooday xanuun kaga dhacay beerka oo in muddo ah uu la xanuunsanaa.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.