image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka xukunka dilka ugu badan fuliyay 2024

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in tirada dadka lagu riday xukunnada dilka ah ee sannadka 2024 ay si weyn kor ugu kacday.

Sida ku cad warbixin cusub oo ay hay’addu ka soo saartay 2024, waxa dil lagu fuliyay 1,518 qof, taasi oo ka dhigan in tiradu ay kor u kacday 32 boqolkiiba marka loo eego sannadkii kaasi ka horreeyay.

Tirakoobka Hay’adda Amnesty ayaa muujinaya in tirada dadka la toogtay sannadkii hore ay ahayd tii ugu badnayd tan iyo 2015, inkasta oo ay yaraadeen waddamada weli fulinaya xukunka dilka.

Waddanka loo arko in u yahya kan ugu badan ee fuliya dilka ugu badan caalamka waa dalka Shiinaha. Hase ahaatee, la ma hayo tirakoob rasmi ah oo sax ah oo ku saabsan dadka uu Shiinuhu dilay.

Sacuudi Carabiya ayaa kaalinta labaad ka galay isaga oo 345 dil, halka Ciraaq ay ku xigto iyadoo fulisay 63 xukun oo dil ah.

Amnesty waxay sheegtay in Iraan iyo Soomaaliya ay xukun dil ah ku fuliyeen afar qof oo dhallinyaro ah oo ka yar da’da 18 sano jirka.

Iraan iyo Afghanistan waa dalalka fuliyay dilalka fagaareyaasha lagu sameeyo ee dhacay sannadka 2024.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.