image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdi uu hoggaaminayo si weyn loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee caasimada Jabuuti,waxa uuna kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa la qorsheynayaa in ay kawada hadli doonaan dagaalka ay dowadda Soomaaliya kula jirto kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, oo bilihii lasoo dhaafay xoogeystay.

Dalka Jabuuti waxa ay kamid tahay wadamada Soomaaliya ka taageera dhinaca amniga, waxaana Jabuuti, Soomaaliya ka jooga ciidamo qeyb ka ah nabad ilaalinta howlgalka cusub ee AUSSOM, waxa ayna si gaar ah ciidamada Jabuuti ka socda kaga howlgalaan gobolka Hiiraan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.