image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Hay’adda Duulista Rayidka oo cadeeysay waxa keenay shil diyaaradeed ee maanta ka dhacay Garoonka Aadan Cadde

Duhurimadii maanta ayey aheyd markii diyaarad ay lee dahay  Hay’adda UN-ka ay shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii lugta hore ee diyaarada ay shaqeyn weysay oo cilad ay ku timid.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa ka warbixiyay diyaarada maanta shilka ku gashay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Maareeye Axmed Macalin, ayaa sheegay in 22 shaqaale oo Qaramada Midoobe u shaqeeyay ay saarnaayeen diyaarada oo barqanimadii maanta u safareysay magaalada Baydhabo, balse markii ay degi rabtay ay u bixi weysay lugta hore diyaarada dibna ay ugu soo laabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee amagaalada Muqdisho.

Waxa uu xusay maareeyaha in ay diyaarada marsiyeen habraac lagu yareynayay in khasaaro xoog leh dhaliso cilad farsamo ee qabsatay  ay nashidaalka diyaarada lagu sii daadiyay dhinaca Badda, kaddibna lagu guuleystay in si tartiib ah loo dejiyo dabka yar ee ka kacay diyaarada la damiyay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in diyaaradihii ka bixi lahaa garoonka ay si dhaqso leh ugu wargiliyeen in ay baxaan, kuwii ku soo wajahnaa lagu wargeliyay in ay cilad ay ka dhacday garoonka, sidaa darteedna la xiray Run way-ga oo ah wadada dheer oo ay diyaaradaha ku ordaan marka ay soo degayaan ama ay ka baxaan.

Udambeyn waxa uu sheegaya maareeyaha in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u xalin doonaan cilada si shaqada garoonka ay dib ugu soo laabato.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.