image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Diyaaradaha Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay buuraha Calmiskaad

Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha Maraykanka xalay ka fuliyeen Togga Miiraale oo ku yaalla buuralaysa Calmiskaad ee gobolka Bari ee Soomaaliya.

Bayaan kooban ka soo baxay dawladda Puntland ayaa lagu sheegay duqaynta ay diyaaradaha Maraykanku xalay ka fuliyeen Togga Miiraale lagula beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Ururka Daacish.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqaymaha Maraykanku ee deegaannadaasi ka dhacay.

Ma aha markii ugu horraysay ee Maraykanku uu dhanka cirka ka duqeeyo kooxda Daacish ee dagaalka kala soo horjeedda ciidamada Puntland oo dhinaca kale garab ka helaya Beesha Caalamka.

Laga soo bilaabo bishii Febraayo, duqayntii uu amray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee laga fuliyey Buuraha Calmiskaad, waxaa xigay dhowr jeer oo kale oo saaxiibbada caalamiga ee Soomaaliya ay duqaymo ka fuliyeen agaggaasi.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.