image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo maanta soo gaaray Muqdisho

Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Garoonka  diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa ku soo dhoweeyay  Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, xubno ka socday gollaha wasiirrada Xukuumadda iyo mas’uuliyiinta howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika, ayaa la filaya in uu kulamo kala duwan la qaato madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre, waxa kulamadaasi ay uga wada hadli doonaan arrimo ku saabsan Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afirka

Waa safarkii ugu horeeyay ee uu Muqdisho ku yimaado guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo la doortay 25 bishii Feberaayo 2025.

Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaadatay doorashada uu ku soo baxay guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana socdaalka guddoomiyaha cusub uu muujinaya muhiimada ay u lee dahay Midowga Afrika Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.