image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Qarax geystay khasaaro oo maanta ka dhacay Muqdisho

Faaf faahino dheeraaad ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Miino oo maanta ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeeysa Ex Kontorol Afgooye iyo Haanta Dheere ee Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay 5 ruux oo shacab ah, kuwaasi oo dhaawacyadooda la geeyey Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in ay tahay meel mashquul badan,  waxaana qaraxa kaddib hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada Warshadaha oo muhiim u ah isku socodka magaalada.

Ciidamo katirsan dowladda oo goobta gaaray, ayaa sameeyey baaritaano ku aadan qaabka uu qaraxa  u dhacay iyo shaqsiyaadkii ka dambeeyey, wallow aysan cidna howlgalka ku soo qaban ciidanka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga oo ku aadan qaraxa ka dhacay maanta magaalada Muqdisho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.