image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamada ammaanka oo toogtay nin doonayay inuu dil geysto

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidanka ammaanka ee degmada Baardheere  ay xalay ku dileen in la sheegay inuu katirsanaa kooxda Al-shabaab, oo doonayay in gudaha magaalada uu dil ka geysto.

Ninka ayaa la sheegay iuu ku hubeysnaa Bastoolad, waxaana is rasaaseeyn dhex martay asiga iyo ciidanka amniga ay markii dambe sababtay in ciidanku ay toogtaan Ninkii hubeysnaa.

Sidoo kale israsaaseeynta waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo shacab ah kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa isbitaal ku yaalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Taliyaha amniga degmada Baardheere Axmed Cabdullaahi, ayaa sheegay in shaqsi katirsanaa  Al-shabaab ay sii hayeen xogtiisa, waxa uuna intaas hadalkiisa ku daray in dhagar qabaha katirsana Shabaab oo rabay in dad shacab ah oo Afurayay uu dhibaato u geysto, balse ay ciidamada amniga ka hortageen ayna toogteen.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in ciidamada amniga degmada Baardheere, ay diyaar u yihiin ka hortaga khataraha Al-shabaab la damacsan yihiin shacabka ku nool magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo ciidamada amniga Baardheere ay fashiliyaan shaqsi doonayay inuu dil ka geysto gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.