image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Imaaraadka iyo Sacuudiga cambaareeyay qaraxii lala beegsaday madaxweyne Xasan Sheekh

Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa cambaareeyay weerarkii lala eegtay kolonyada madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, xili u uku sii jeeday jiidaha hore ee dagaalka.

Qoraal ay wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga soo dhigtay barta X ee hore loo oran jiray Twitter, ayay ku sheegtay in Sacuudigu cambaareynayo weerarkaas lagu beegsaday kolonyada madaxweyne Xassan Sheekh.

“Boqortooyadu waxay mar kale xaqiijinaysaataageerada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeedaba ee ka hor tagga wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda iyo xasilloonideeda, iyadoo ku celinaysa mowqifkeeda adag ee ay ku diidayso dhammaan noocyada rabshadaha, falalka argagixisada, iyo xagjirnimada.”, ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Dhanka kale, Imraadaka ayaa isna kamid ah dalalka cambaareeyay isku daygii weerar ee shalay lagu bartilmaameedsaday kolonyada madaxweyne Xassan Sheekh.

Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, oo ah wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, ayaa sheegay in dalkiisu si adag u cambaareynayo falal dembiyeedyada noocan ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Imaaraadku uu mar walba kasoo horjeedo nooc kasta oo rabshado ah iyo falalka argagixisada ee ujeedkoodu yahay in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida, taas oo jebineysa sharciga caalamiga ah.

Hayeeshee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay, in weerarkaasi la fashiliyey isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu nabad ku gaaray goobtii uu ku sii jeeday.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.