image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Khasaaraha ka dhashay dagaal ciidamo kawada tirsan dowladda ku dhex maray Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo maanta ka dhacay degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan oo u dhaxeeyey ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Nabad Sugida Qaranka, ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafada Tookiyo oo katirsan degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay 3 ruux oo labo kamid ah ay yihiin askar katirsaneed labada dhinac, halka ruuxa kale uu ahaa shacab.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ka dambeysay dagaalka sababay dhimashada saddex ruux ee dhex maray labada ciidan, mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga ee ku aadan dhacdadaani.

Xaalada goobtii lagu dagaalay ayaa deggan, waxaa dib u soo laabtay isku socodka dadka iyo deegaanka, oo markii hore hakad galay.

Sikastaba, dhowaan ayey aheyd markii ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya, ay ku dagaalameen  waaxda Neero ee degmada Cabdicasiis, kaddib markii labada ciidan ay isku qabteen guriga laga dhisayay halkaasi.

Muqdisho, waxaa caadi ka ah iska hor-imaadka sababa dhimashada iyo dhaawac ee inta badan meelaha qaar ciidamada dowladda ku dhex mara mana jirto tallaabo ay qaaday dowladda oo ay uga hortageyso dhacdooyinkaasi.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.