image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ku garaacay kooxda Xuutiyiinta Yemen

Maraykanka ayaa mowjado duqaymo dhanka cirkaa ku garaacay kooxda Xuutiyiinta sida uu sheegay Madaxweyne Donald Trump, isaga oo sabab uga dhigay weerarrada kooxda hubaysan ay ku qaadayaan maraakiibta Badda Cas.

“Kooxda burcada ah oo ay maalgaliso Iiran ayaa weeraro gantaallo ku riday maraakiibta Maraykanka waxayna bartilmaameedsadeen ciidamadeena iyo kuwa xulufada” ayuu Trump ku yiri qoraal u soo dhigay barihiisa bulshada, isagoo intaa ku daray in “burcad-badeednimadooda, rabshadaha, iyo argagixisada” ay ku kacday “Balaayiin doolar” isla markaana khatar gelisay nolosha dadka.

Wasaaradda caafimaadke ee ay Xuutiyiintu maamulayaan ayaa sheeegtay in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen halka sagaal kalane ay ku dhaawacmeen duqaymaha.

Kooxda ayaa bilowday bartilmaameedsiga maraakiinta iyagoo sheegay inay jawaab ugu bixinayaan dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Qasa, iyagoo sheegay in ciidamadoodu ay ka jawaabayaan duqaymaha Maraykanka.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa soo warisay taxane qaraxyo ah habeenimadii Sabtida ka dhacay magaalada Sanaa iyo gobolka waqooyi ee Saada – oo ah halka ay ku xoogan yihiin kooxda kaas oo soodin la leh dalka Sacuudiga.

Kooxda fallaagada ay Iiran taageerto, taaso Israa’iil u aragta cadowgeeda, ayaa maamusha Sancaa iyo Waqooyi-Galbeed ee Yemen, balse ma aha dowladda Yemen ee si caalami ah loo aqoonsan yahay.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.