image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Mareykanka oo eryay safiirkii Koofur Africa u fadhiyay Washington

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii shalay ceyrisay safiirka Dowladda Koofur Africa u fadhiya magaaladan Washington, kaddib marki ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ku eedeysay in uu yahay siyaasi hurinaya isir-naceyb.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa bayaan uu Jimcihii soo saaray ku sheegay, in danjire Ibraahim Rasuul aan hadda kaddib laga soo dhaweyneyn Mareykanka, isaga oo ugu yeeray in uu yahay qof neceb Mareykanka iyo Madaxweyne Donald Trump.

Rubio ayaa bartiisa X ku yiri, “Safiirka Koonfur Afrika ee Mareykanka mar danbe lagama soo dhaweynayo dalkeenna. Ma jirto wax aan kala hadli karno, sidaas darteed waxaa loo aqoonsaday shakhsi aan garaado laheyn PERSONA NON GRATA.”

Madaxweynihi hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha danjire-nimo ka guddoomay Rasuul, 13-ki bishii Janaury. Sida cud bogga internetka safaaradda South Africa ee Mareykanka, waxay aheyd marki labaad ee uu Rasuul noqonayo danjiraha Koofur Africa ee Washington.

Ma jirto wax war ah oo arrintan ku saabsan oo wali kasoo baxay dhinaca South Africa.

Xiriirka Mareykanka iyo Koofur Afirca ayaa bilihi dhawaa ahaa mid sii xumaanayay. Maamulka madaxweyne Trump ayaa dhawaan ka jaray South Africa kaalmo dhaqaale oo uu siin jiray, isla markaana ku eedeeyay in ay si sharci darro ah dhulka uga qaaddo dadka caddaanka ah ee laga tirada badanyahay. Eedahaasi oo ay beenisay dowladda Koofur Africa.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.