image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan Sheekh oo been abuur ku tilmaamayay in dalka ka jirto khatar amni darro ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayay Masjidka Shuhadada ee madaxtooyada Qaranka, ayaa ka hadlay qodobo kala duwan oo la xiriira howlgallada dalka socda iyo digniinaha dhinaca amniga ay saareeen hay’addo caalami ah iyo safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka mar uu soo maray khatar adag, balse waxa uu sheegay in hadda aysan jirin khatar dhinaca amniga ah, isla markaana waxa uu ka digay in la joojiyo wararka parabogaandada ah ee bulshada lagu cabsi  gelinayo sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu intaas raaciyay hadalkiisa  madaxweyne Xasan,  in digniinahan la xiriira khatarta dhinaca amniga ay yihiin farriimo ay al-shabaab soo dhex marsadeen Soomaali iyo Ajaanib, balse amniga dalka uu ku jiro gacan adag.

Geesta kale madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ka hadlay guulaha ay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ay ka garaan howlgallada dalka ka socda, waxa uu tilmaamay in ciidanka xoogga ay jab xooggan gaarsiiyeen a-shabaab, ayna ka qabsadeen deegaano iyo degmooyinka muhiim ah oo ay horay ay kooxdu gacanta ugu hayaan.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loowada istaago dagaalka al-shabaab, si dalka looga xureeyo kooxdaasi.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.