image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dagaal Suuriya Ku Dhex Maray Ciidmada Maamulka Cusub Iyo Haraadiga Asad

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad ay ku dhinteen dad ka badan 200 oo qof.

Iska horimaadyadan oo ka socda deeganada xeebaha ee Suuriya ayaa ah kuwii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo markii kooxaha fallaagada ah ee ay hogaaminayaan kooxda Islaamiga ah ee Hayat Taxriir al-Sham ay xukunka ka xayuubiyeen Bashaar Al-Asad horaantii bishii December ee sanadkii hore.

Subaxnimadii Jimcahii shalay , ciidamo badan oo Suuriyaan ah oo hoos taga maamulka cusub ee Islaamiyiinta ayaa la geeyay ,magaalada Latakia, halkaas oo bandow lagu soo roggay, dadka rayidka ah lagu amray inay guryahooda ku ekaadaan.

Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Syria oo fadhigeedu yahay Britain ayaa ku warameysa in duleedka magaalooyinka xeebaha ay weli gacanta ku hayaan ciidamada daacadda u ah Asad. Ciidamadan waxaa kaloo ay weli gacanta ku hayaan magaalada Qardah ee ku taal buuraleyda ku teedsan xeebaha, oo ah halkii uu ku dhashay Bashaar Al-asad.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.