image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda oo go’aan kasoo saartay amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro kala duwan oo la xiriira amniga magaalada Muqdisho iyo howlgallada ka socda dalka.

Shir jaraa’id oo uu maanta Muqdisho ku qabtay wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys, ayuu kaga hadlay xaalada amniga Muqdisho iyo howlgallada ka socda dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya in hay’adaha amniga lagu amray in aan hub ama gaadiid dagaal  lala gali Karin xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wasiir Da’uud, ayaa sheegay  in talaabo sharci ah laga qaadi doono shaqsiyadkii lagu hela ayaga oo baraha bulshada ku faafinaya warar  been abuur ah.

“Waxaa mamnuuc ah  in si khaldan loo isticmaalo ama been abuur laga sameeyo, si toos ah amaba si dadban , iyada oo la isticmaalayo warbaahinta kala duwan oo baraha bulshada, qofkii lagu helana lala tiigsan doono tallaabooyin sharciga waafaqsan oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Geesta kale wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto howlgallada ka socda dalka, isla markaana waxa uu tilmaamay in shacabka ku dhaqan deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ay la shaqeyaan ciidamada  xoogga iyo kuwa deegaanka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.