image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Donlad Trump oo hakiyay hubka uu Mareykanka siiyo Ukraine

Aqalka Cad ayaa xalay ku dhawaaqay in madaxweyne Trump uu hakiyay gargaarkii millatari ee ay Dowladda Mareykanka siineysay Ukraine.

Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa tilmaamay in Madaxweyne Trump uu caddeeyay in uu diiradda saarayo nabadda. Wuxuu intaasi raaciyay in ay doonayaan in saaxibadda Mareykanka ay arrintaasi xoogga saaraan”.

Sarkaalka oo aanan magaciisa la shaacin ayaa sheegay, in Maamulka Madaxweyne Trump uu hakiyay gargaarka hubka Ukraine si dib u eegis loogu sameeyo kaalmada Mareykanka, si loo hubiyo buu yiri in tani ay gacan ka gayesato xalka.

Goor sii horreysay oo Isniintii shalay aheyd, ayuu madaxweyne Trump sheegay in heshiiska macdanta naadirka ah ee Ukraine ay muhiim u tahay sii wadista kaalmada uu Mareykanka siiyo Ukraine.

Faah-faahin dheeri ah oo arrintan ku saabsan ayuu tilmaamay in uu kaga hadli doono khudbadda la wada sugayo ee uu madaxweyne Trump caawa kula hadli doono xubnaha labada aqal ee Koongareeska Mareykanka.

Hakinta gargaarka hubka Mareykanke ee Ukraine ayaa imaneysa maalmo yar kaddib, marki ay madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ukraine hadallo kul-kulul isku weydaarsadeen xafiiska madaxtooyada ee Aqalka Cad, xilli ay mas’uuliyiinta hor joogeen kaamirooyinka telefishannada caalamka.

Madaxweyne Trump ayaa riixay in si dhaqso ah loo soo afjaro dagaalka Ukraine iyo Ruushka, halka madaxweyne Volodymyr Zelenskyy uu muujiyay cabsi ah in xalka Trump ee joojinta dagaalka uu guul siinayo Ruushka.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.