image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Golaha amaanka oo maanta u codeynaya cusbooneysiinta cunaqabateynta saaran Shabaab

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee maanta waxa ay u codeeyn doonaan qaraar qabyo ah oo lagu kordhinayo cunaqabateynta saaran kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in maanta xubnaha guluhu ka fiirsanayaan  sidii ay u cusbooneysiin lahayeen  dhaqan gelinta cunaqabateyntii horay loo saaray kooxda Al-shabaab, oo ay la socdaan guddiga khubarada ee golaha.

Dowladda Ingiriiska ayaa qoraalkan qabyada ah cusbooneysiisay, waxaana sidoo kale la cusbooneysiiayaa mamnuucida dhoofinta dhuxusha, mamnuucida  badda ee soo dejinta hubka sharci darrada ah iyo mamnuucida noocyada kala duwan ee walxaha qarxa.

Sidoo kale guddiga khubarada ah ee ka caawinaya golaha ammaanka fulinta cunaqabateynta Al-shabaab, ayaa gudbiyay warbixintii ugu dambeysay, waxa ay shegeen in Al-shabaab ay weli tahay koox khatar ku ah nabada iyo amniga Soomaaliya, ayna awoodan in ay fuliyeen weerar xooggan oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Caalamiga ah ee jooga Soomaaliya.

Warbixinta golaha ayaa lagu sheegay in weerarada burcad-badeedda ay kordheyn, waxaana la tilmaamay in 25 weerar oo ay ku jiraan Afduub lagu qaaday Maraakiib iyo Doomo ganacsi sanadkii 2023, taasina ay muujineyso khatar burcad-badeedda Soomaalida.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.