image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Guddoomiye Shuute ” Kiiska Cabdi Wabiir waxaan ku wadnaa baaritaan”

Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed Con. Xasan Cali Nuur Shuute, oo fagaaro ku yaalla degmada Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kula hadlayay  tobaneeyo katirsan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee Macawisleey, ayaa ka hadlay dagaalka Al-shabaab sida uu yahay mid loogu baahan yahay in lasii xoojiyo.

Guddoomiye Shuute, oo hadallo dardaaran ah u jeedinayay ciidamada kala duwan, ayaa tusaalo u soo qaatay kiiska Cabdi Wabiir oo todobaadkii lasoo dhaafay isaga iyo 24 kale oo rag ah ay iska dhiciyeen dagaalyahanadii katirsanaa Al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday deegaanka Ceel Cali Axmed ee katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxa uu sheegay guddoomiye Shuute in laamaha amniga ee dowlada ay su’aalo weydiin iyo baaritaan ay ku wadaan ninka lagu magacaabo Cabdi Wabiir oo katirsan macawisleeyda Shabeellaha Dhexe, oo maalin kaddib dagaalkii Ceel Cali Axmed gacanta u galay Al-shabaab, balse dib uga soo baxsaday markii ay kooxdu ka duubeen muqaal dhaliil ah oo dowladda u jeediyay.

“Waa la baaraya Cabdi Wabiir haddii uu yahay halyeey geesi ah oo Dawaco heshay, wuxuu noo ahaanayaa  halyeeygiisa, balse haddii uu Kitaabka uu si qaldan ugu camal falay talaabo ayaa laga qaadaya” ayuu yiri guddoomiye Shuute.

Guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute, oo sii hadlayay ayaa sheegay in laga dhowr sugayo waxa uu noqon doono baaritaanka ku socdo Cabdi Wabiir natiijada ka soo baxdo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.