image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Axmed Madoobe oo sheegay in guddiga doorashooyinka laga sameeyey Suuqa Bakaaraha

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa sheegay in wax kalsooni ah uusan ku qabin guddiga doorashooyinka heer qaran ee dowladda Federaalka ay magacawday.

Axmed Madoobe, ayaa tilmaamay sababta uu uga baxay golaha wadatashiga Qaran ay tahay dhismaha guddigan oo uu tilmaamay inuu yahay mid aan loo marin si sharci ah, isla markaana hadda uu aamisan yahay in guddigan ay yihiin kuwa laga soo xulay suuqa Bakaaraha, sida uu hadalka u dhigay.

“Ayaga xita waxa ay aamisan yihiin in aysan si sharci ah ku imaanin, waxaana ogahay in aysan wadin wax aysan Somali laheyn. Waa wax shirkad lee dahay mana socon doonaan”. Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Axmed Madoobe, ayaa carabka ku dhuftay in Jubbaland ay diiday qorshe ay dowladda dhexe damacsaneyd, kaasi oo ahaa in guddigyada doorashooyinka laga dhigo hal guddi oo maamula doorashooyinka heer qaran  kuwa dowlad goboleedyada, balse ay kasoo horjeesteen ka Jubbaland ahaan.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe, ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa siyaasadda ay aaminsan  yihiin in talada dalka ay ku sii joogi karan sharciyad la,aan.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.