image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda Dhexe oo isku xireysa howlgallada ka socda Hir-shabeelle iyo Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii laisku xirilahaa  howlgallada ka socda maamulada Hir-shabeelle iyo Galmudug ee ka dhan ah Al-shabaab.

Qorshahaan ayaa waxa uu yahay mid lagu doonayo in sare loogu qaado howlgalla lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab ee ka socda dalka.

Wararka anu heleyno ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dowladda federaalka ay diyaarisay dhallinyaro aqoon u leh dhulalka dullaanka lagu yahay ee weli ay Shabaab ay maamulaan, waxaana la tilmaamay in dhallinyarada la geeyey xeryo lagu siinayo hubkii ay dagaalka ku gali lahyeen.

Ololahan ayaa waxaa sidoo kale gadaal ka riixaya xildhibaano doonaya in deegaanadii laga soo doortay laga saaro kooxda Al-shabaab oo hadda gacanta ku heysa deegaanadaasi.

Taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada dowladda, ayaa waxa ay kulamo kala duwan ka wadaan furimaha dagaalka, iyaga oo ciidamada ku boorinaya in sare loo qaado dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.