image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay buuraha Calmiskaad

Bayaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay howlgal duqeymo ah oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, kaasi oo laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee Puntland.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal katirsan Daacish  oo ku dhuumaalaysanayay Buuralayda Calmiskeed ee gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

“Hawlgalka duqeymaha ah oo si guul ah ay u fuliyeen Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya waxa ay dhaceen fiidkii 21 Febraayo iyo shalay 22-ka Febraayo 2025, waxaana lagu taageerayay hawlgalka geesiyaasha Ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan haraadiga Khawaarijta Daacish.” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale Bayaanka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in qiimeynta hore ee howlgalka ay muujineyso in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha, sidoo kalana aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin dad rayidka.

Ugu dambeyntii bayaanka lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM waxa ay sii wadi doontaa qiimeynta natiijooyinka hawlgalkaasi, oo wali socda, wixii ka soo kordhana waxaan la socodsiin doonaa dadweynaha”.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.