image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan garab taagannahay Ciidamada Puntland ee dagaala kula jira Daacish”

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo dagaalka lagu jiro Al-shabaab eek a socda dagaalka iyo doorashooyinka Qof iyo Cod.

Ugu horeen madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare shaqadii baaxadda lahayd ee ay qabteen intii lagu gudajiray kalfadhiyadii hore ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay howlgallada lagu xoreynayo goobaha ay Khawaarijtu kaga suganyihiin dalka, isagoo ammaanay Ciidamada Qalabka Sida, iyo kuwa deegaanka ee Macawisleey sida ay uga go, an tahay in Shabaab iyo Daacish dalka laga saaro.

Waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh  iyo dowladda federaalka ay garab taagan tahay ciidamada amniga Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, isaga oo ku bogaadiyay ciidamada sida cashar lama ilaawaan ah ugu dhigeen kooxda Daacish ee dhibaatada badan ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan garab taagannahay Ciidamada dowlad goboleedka Puntland iyo shacabka deegaannadaas oo casharro lama illaawaan ah siiyay Khawaarijta Daacish. Waa dagaal xaq ah, anagana waajib ayay nagu tahay in aan garab istaagno walaalaheenna dagaalka ugu jira xoreynta iyo soo celinta karaamadeenna”. ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Geesta kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay in heshiisyadii siyaasadeed ee Madasha Qaranka iyo ansixinta Baarlamaanka ee afarta cutub ee ugu horreeyay Dastuurka ay horseedeen hirgelinta qorshaha doorashooyinka tooska ah, lagana gudbayo doorashooyinkii dadbanaa ee dalka ka dhici jiray.

“Walaalayaal, dadka Soomaaliyeed annaga ayeey dhankeenna soo eegayaan, naguna aamineen waajibka ah in aan ka rarno meeshii ay ku raageen ee doorashada dadban. Waa inaan fursad u siinno in maskaxdooda xorowdo, fikirkooda xoroobo, ayna codkooda xorta ah ku soo doortaan ciddii matali lahayd. Waa garaad xumo inaan isku qancinno in loo laabto jidkii foosha xumaa ee magacaabidda iyo doorashooyinka dadban”. ayuu yiri madaxweyne Xasan.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.