image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo booqday furimaha dagaalka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta  booqday qaar ka mid ah Daraawiishta, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee dagaalka adag la galay kooxda Al-shabaab.

Safarka  Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay  Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe, saraakiil ciidan, waxa uuna kormeerkoodu u ahaa mid ciidamada ku boorinayeen in ay sare u qaadaan howlgalka ka socda deegaannada Hir-shabeelle ee lagu ciribtirayo Al-shabaab.

Sidoo kale madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa kulan  la qaatay saraakiisha ciidamada Daraawiishta, Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka, isaga oo ku ammaanay sida ay har iyo habeen ugu taagan yihiin ciribtirka kooxda Al-shabaab, oo dhibaato badan ku heya shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn madaxweynaha Hir-shabeelle, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin qeybaha kala duwan ee ciidamada ee dagaalka kula jira Al-shabaab, aynala garab taagan yihiin wax walbo ay u baahan yihiin sida saanada ciidanka iyo xuquuqda kale ay lee yihiin.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.