image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Duqeyn diyaaradeed oo xalay lala beegsaday Godkii ugu weynaa ee Daacish ee buuraha Calmiskaad

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Duqeynta oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo Mareykanka lee yahay ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanada Daray Madoobe iyo Curar, waxaana la sheegay in lala beegsaay godka la yiraah Kunle oo ahaa godka ugu weyn ee kooxda Daacish ay laheyd, sida ay xaqiijiyeen ilo xag amniga ah.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in goobta la beegsaday ay maalmihii lasoo dhaafay ay Daacish ku diyaarinayeen shaqsiyaad miineysan oo ay qaraxyo ku xireen kuwaasi oo ay doonayeen in ay ku weeraraan ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira.

Sidoo kale duqeymo kale ayaa la sheegay in ay ka dhaceen deegaanada kala ah Xankooki iyo Dhaasan  oo ku yaalla buuraha Calmiskaad, waxaana duqeymahaasi lala beegsaday godad ay ku dhuumaleysanayeen horjoogayaal katirsan Daacish, waxaana ka dhashay khsaaro kala duwan oo soo gaaray kooxda Daacish.

Puntland ayaa sare u qaaday weerar ay ku heyso kooxda Daacish, waxaana howlgalladii u dambeeyey ay fuliyeen ciidamada Puntland jab xooggan lagu gaarsiiyey kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee Puntland.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.