image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxkamadda gobolka Banaadir oo u yeertay hantidhowrka Guud ee dowladda Soomaaliya

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u yeertay Hantidhowrka Qaranka oo lagu Eedeyey inuu doonayey in sameyn ku yeesho go,aanada garsoorka iyo faragelin uu ku sameeyey galalka maxkamadda.

Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud, ayaa lagu amray in Axmed Ciise Guutaale oo ku eedeysan qodobada 254, 257 iyo 267 XCS, uu horyimaado maxkamadda maalinta Axada 16-ka Feberaayo 2025, si wax looga weydiiyo eedaha uu u soo jeediyey Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

“Wuxuu ku kacay Axmed Ciise Guutaale, faldambiyeedyo ay ka mid yihiin fulin la,aan iyo is hor istaag go,aanka maxakmadda iyo in uu diiday bixinta kharashaadka socodsiinta howlaha maxkamadaha iyo diwaangelinta heshiisyada ay maxkamadda la galeen, taasina ay sababtay in ay istaagto shaqadii maalinlaha ee maxkamadda”. Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maxkamadda.

Sidoo kale qoraalka maxkamadda ayaa lagu sheegay in haddii uu soo xaadiri waayo hanti dhowrka guud ee dowladda Soomaaliya, maxkamadda waqtiga loo qabtay ay maxkamadda qaadi doonto tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka u yaalla.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.