image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka socda Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo weli in ka badan dhowr saac ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish, waxaa uuna si gaar ah uga socda aaga  Araari oo katirsan Togga Jaceyl, waxaana lasoo warinaya in dagaalka uu dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka howgalka ciribtirka Argagixsada ee Puntland Gen. Maxamuud Faadhigo, oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgaladii u dambeeyey iyo dagaalka weli ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Gen. Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen saraakiishii iyo ciidankii ku geeriyooday dagaalka, waxa uuna sheegay in dagaalka uu weli socdo, isla markaana ciidanka ay ku daba jiraan firxadka dagaalamayaasha Daacish ee ku dhuumaaleysanaya gododka buuraha Calmiskaad.

“Dagaalka weli waa uu socda, welina masoo geba-gaboobin baacsi baa jira Nimanka markii la jibiyey, wixii cararay in la’laayo ama lasoo qabto ayey ciidamada ku jiraan howlgalkaasi ayaa weli socda, 24 saac ee lasoo dhaafay dagaal Cir iyo Dhul ah ayaa socday oo guulo badan laga gaaray waxaana lagu dilay 65 katirsan Daacish” ayuu yiri Gen Maxamuud Faadhigo.

Dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, ayaa socda in ka badan saddex todobaad, waxaana inta badan ay ciidanka Puntland qabsadeen deegaano ay maamuli jireen kooxda Daacish.

Wixii warkan ku soo kordho halkan kala soco

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.