image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Guddoomiye Aadan Madoobe “Dowladda marnaba raali ka aheyn in ganacsatada culeys la saar”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddi ka socday ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ganacsatada Guddoomiyaha la wadaageen cabasho ay qabeen maadaamaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen suuqyada ganacsi ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u sheegay ganacsatada in Dowladda marnaba raali ka aheyn in ganacsatada culeys la saaro ayna diyaar u tahay xalinta tabashooyinka ay ganacsatada qabaan, waxaana ugu dambeyn lagu balamay in la furo suuqyada ganacsiga ee xiran.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.

Sikastaba, kulanka guddoomiyaha golaha shacabka la yeeshay ganacsatada Muqdisho, ayaa ku soo aadaya xili maalintii afaraad ay inta badan xiran yihiin goobihii ganacsiga ee suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay cabasho ka muujiyeen canshuur xad dhaaf ah oo ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay ganacsatada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.