image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xiisad dagaal oo saakay ka taagan degmada Luuq ee gobolka Gedo

Wararka anu ka heleyno degmada Luuq ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in saakay halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo maleeshiyo beeleed oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku dagaalamayay degmadaasi.

Dagaalkii shalay ka dhacay degmadaasi, ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday 10 ruux oo isugu jira maleeshiyadkii dagaalamayay iyo dad shacabka oo ku nool halkaasi, sida ay inoo sheegeen ilo kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in dagaaladii socday labadii maalin ee lasoo dhaafay lagu gubay Guryo ay deganaayeen dad rayid ah, waxaana la sheegay in ay xiran yihiin goobihii Ganacsiga iyo Waxbarashada ee degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland, ayaa ku baaqay  in la joojiyo dagaalka, isla markaana waxkasta lagu dhameeyo wada-hadal, hayeeshee dhinacyada is haya ayaa ka biya diidan arrintaasi.

Wararkii u dambeeyey ayaa tilmaamaya in weli maleeshiyaadkii dagaalamay ay isku horfadhiyaan goobihii ay ku dagaalameen, taasi la sheegay in waqti kasta la filan karo in dagaal uu ka dhex qarxo labada dhinac.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.