image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ciidamo katirsan dowladda oo la wareegay guriga Hooyooyinka

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa saakay la wareegay xarunta guriga Hooyooyinka ee ku yaalla kasoo horjeedka Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in la xiray qaar kamid ah xubnaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee fadhigooda yahay  halkaasi.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa horay  u yiri  “ waa in la baneeyaa guriga Hooyooyinka, mana ku sii jiri karaan Ururka Haweenka Qaranka, waana si deg deg ah guriga Hooyooyinka uga guuraan waxaa ku shaqeyneeysa wasaaradda Haweenka”.

Sidoo kale waxaa arrintaasi kasoo horjeestay Ururka Haweenka Qaranka, oo sheegay in ay kasoo horjeedaan hadalka kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ururka Haweenka Qaranka, ayaa dhowr jeer waxa ay banaan baxyo ka dhigeen Afaafka hore ee guriga Hooyooyinka, iyaga oo Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in gurigaHooyooyinka laga iibinayo ganacsato, isla markaana waxa ay shegeen in ay is hortaagi doonaan awood walbo oo isku dayda in dhismaha ka saarto.

Sidoo kale mar sii horeeysay guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuule Axmed Gaballe ayaa sheegtay in gal dacwadeed ka furtay Maxkamadda gobolka Banaadir, taa oo la xiriirta eedeeynta ay u jeedinayaan Ra’iisul wasaaraha, ee ku aadan qorshaha lagu iibinayo guriga Hooyooyinka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.