image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Donald Trump oo qorsheynayo in shacabka reer Gaza loo qeybiyo Soomaaliya iyo Morocco

Warbixin uu baahiyay wargeysa Jerusalem Post soona xiganaya  Channel-ka N12, ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne Trump, uu qorshenayo in dadka reer Gaza, ay suurtagal tahay in loo raro saddex goobood oo kala dalka Morocco, iyo maamulada Somaliland iyo Puntland oo kamid ah Soomaaliya.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in saddex goobood ay baahi weyn u qabaan taageerada ay ka helaan dowladda Mareykanka, si gaar ah Somaliland iyo Puntland oo raadinayaan aqoonsi madax-banaan oo calaami ah,  halka Morocco  ay ku jirto muran dhuleed oo la xiriira saxaraha Galbeed.

Qorshaha Trump ee la xiriira Barakicinta reer Gaza, ayaa ujeedadiisa tahay in ay xiriir diblumaasi yeeshaan Sacuudiga iyo Israa’iil .

Mar sii horeeysay Channel-ka N12, ayaa baahiyay in Trump, uu qorsheynayo in sidoo kale 100,000 oo Qaxooti Falastiiniyiin ah uu geeyo dalalka  Albania iyo Indonesia.

Warbixinta ayaa sheegtay in dalka Albania, inuu yahay dalka katirsan Yurub oo sabool ah una baahan shaqaale, balse waxaa arrintaasi gaashaanka u daruuray madaxweynaha dalka Albania, oo iska diiday inay qaabilaan qarxooti intaas dhan.

Geesta kale dhowaan ayey aheyd kulan ay magaalada Qaahira, ku yesheen wasiirrada wadamada carabta sida Masar,  Sacuudi Carabiya, Qatar, Isutagga Imaaraatka Carabta, maamulka Falastiiniyiinta iyo jaamacadda Carabta, ay kaga soo horjeesteen qorsho kasta oo Falastiiniyiinta looga rarayo dhulkooda Gaza iyo Daanta Galbeed.

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.