image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xildhibaanada Jubbaland oo si kulul uga hadlay dagaalkii saakay ka dhacay degmada Baardheere

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland ee ku sugan Degmada Doolow gobolka Gedo, ayaa ka hadlay dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee saakay ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen degmada Doolow xildhibaanada Jubbaland, ayey uga hadleen dagaalkii ka dhacay xarunta Dowladda hoose ee degmada Baardheere, kaasi oo dhaliyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Waxaana dadka ku dhintay kamid ahaa guddoomiyihii arrimaha bulshada degmada Maxamed Ileys Cagaare iyo labo ruux oo kale.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ujeedka weerarkaas uu ahaa in colaad laga dhex abuuro bulshada walaalaha ah ee wada degan Degmada Baardheere Waxa ayna  ku tilmaameen tallaabadaasi mid loogu talagalay in shacabka la isku diro si loo fuliyo dano gaar ah, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaan shacabka ugu baaqeynaa  inay hal meel uga soo wada jeestaan isku dirka iyo iska hor keenka uu Xasan Sheekh doonayo ka dhex abuuro bulshada”.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay  ku adkeeyeen in dadka deegaanka ay mideeyaan xooggooda Isla markaana garbsiiyaan Maamulka Jubbaland.

Ugu dambeyntii, Xildhibaanada ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii dadkii  ku geeriyooday dagaalkii saaka ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.