image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Safiirka Falastiin u fadhiya Soomaaliya oo kulamo kala duwan la qaatay guddoomiyeyaasha Baarlamaanka JFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda Falastiin u soo magacowday Soomaaliya Danjire Rowaid Adil Mohamed.

Kulanka oo looga hadlay xoojinta xiriirka labada wadan ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka waxa uu safiirka kusoo dhoweeyay Dalka sidoo kalena waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay diyaar u yihiin garab istaaga walaalaha Falastiin.

Dhinaca kale guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta  qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Falastiin u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Ruwayd Abuu Cumayshah.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si diirran u soo dhoweeyay Danjiraha, ayaa ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo adkeeyay garab istaagga gobonimo doonka shacabka reer Falastiin iyo sida ay xaqa ugu leeyihiin in ay helaan dowlad la aqoonsan yahay oo iyaga metesha.

Safiirka ayaa dhankiisa uga mahadceliyay guddoomiyaha soo dhawaynta diirran ee uu u sameeyay, waxaana uu ugu hambalyeeyay in Soomaaliya ay ku guulaysatay in ay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka QM, taas oo uu sheegay in ay faa’iido u tahay dadka reer Falastiin ayna ku kalsoon yihiin in Soomaaliya ay ku meteli doonto qadiyadda Falastiin iyo xorriyaddooda.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.