image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Golaha wasiirrada oo yeeshay kulan looga hadlayay doorashada iyo dhameystirka Dastuurka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey Shirka Guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee siyaasadda loo dhanyahay, kaas oo looga hadlayey dardargelinta taageeridda doorashada iyo dhameystirka Dastuurka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay dadaallada hirgelinta doorashada iyo sidii ay xukuumaddu u qaadan laheyd doorka kaga aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed siineysa xuquuqdooda Dastuuriga ah ee ah in ay wax doortaan lana doorto.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa faray xubnaha Golaha Wasiirrada ee ku jira Guddi-hoosaadka siyaasadda loo dhanyahay in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aadan hirgelinta iyo fududeynta wax yaabaha loo baahan yahay si ay doorashadu u hirgasho, iyada oo xoogga la saarayo wacyigelinta dadweynaha si ay faham buuxa uga helaan muhiimadda ay leedahay in muwaadinku codkiisa u dhiibto si xor ah.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka cutubyadiisa 5-aad ilaa 9-aad iyo halka uu marayo diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) kaas oo heer gabo-gabo ah ku dhow.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.