image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Tanzaaniya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania, si uu uga qaybgalo Shirweynaha Tamarta Afrika ee “Mission 300”, oo maanta furmay.

Shirka oo sanadkan ku saleysan Dardargelinta Helitaanka Tamarta la jaanqaadi karta Horumarka Waara ayaa waxaa isugu imaanaya madaxda sare ee dalalka Afrika, hay’adaha caalamiga ah ee horumarinta, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo khubarada ku xeel dheer arrimaha tamarta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa madasha ku soo bandhigi doona aragtida iyo qorsheyaasha dowladda Soomaaliya ay ka leedahay horumarinta tamarta, iyada oo la xoojinayo iskaashiga heer gobol iyo heer caalami.

Inta uu shirku socdo, Madaxweynaha waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa madaxda iyo daneeyeyaasha ka qaybgalaya, isaga oo muujinaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ka faa’iidaysiga fursadaha iskaashiga ee dhinaca tamarta si kor loogu qaado horumarka waara ee dalka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.