image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweynaha Somaliland oo safarkiisi ugu horeeyay ugu amba-baxay Imaaraatka Carabta

Wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi ( Cirro) ayaa saakay u amba-axay dalka Imaaraatka Carabta.

Dowladda Imaaraatka ayaa madaxweynaha u soo dirtay casumaad rasmi ah iyo sidoo kale diyaarad qaas ah oo qadeysa madaxweynaha iyo wefdigiisa.

Safarkan uu madaxweyne Cirro ku aaday waddanka Imaaraatka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay inta loo dhaariyay xilka madaxtinimada 12-ka bishii December 2024, inkasto la filayay in safarkiisa ugu horeeyo uu ku tagi doono dalka Jabuuti.

Geesta kale Imaaraatka Carabta ayaa horay saaxiib dhow ula  ahaa xukuumaddii xisbiga Kulmiye,  taasi oo suuragelisay in boqolaal milyan oo dollar uu Imaaraatka ku maalgeliyo dib u dhiska madaarka Berbera, Dekadda Berbera iyo wadada isku-xirta magaalooyinka Berbera iyo Wajaale.

Ka hor inta uusan ku guuleysan xilka madaxweynaha  Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ahaa shakhsiyaadka aaminsana kana soo horjeeday maalgelinta shirkadda DP-World,  ee dekadda Berbera in ay tahay mid aan faa’ido laheyn, balse waxaa la sheegay in madaxweyne Cirro, uu  hadda fikirkii uu ka qabay uu badalay.

Sikastaba, dowladda Imaaraatka Carabta ayaa kamid ah waddamada xafiisyada ku leh magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.