image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Xamaas iyo Israa’iil oo maanta is dhaafsanaya Maxaabiis ay kala heystaan

Xamaas ayaa shaacisay afar la heyste oo maanta lasii deyn doono tan oo qeyb ka ah heshiiska xabbad-joojinta Qasa.

Waxay sheegtay inay kala yihiin askarta haweenka ah ee Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy iyo Liri Albag. Waxaa lagu beddelan doonaa 180 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay heyso Israa’iil.

Waa is dhaafsigii labaad tan iyo markii xabbad-joojinta ay dhaqan-gashay Axaddii lasoo dhaafay.

Saddex la heyste iyo 90 maxbuus ayaa lagu sii daayay is dhaafsigii ugu horreeyay.

Xabbad-joojinta ayaa hakisay dagaalka oo billowday markii Xamaas ay weerartay Israa’iil 7 October 2023. Ilaa 1,200 oo qof ayaa ku dhintay halka 251 ay Xamaas la heysteyaal ahaan ugu kaxeysatay Qasa.

In ka badan 47,200 Falastiiniyiin ah, oo badankood rayid ahaa, ayaa iyagana ku dhintay duqeymaha Israa’iil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay Xamaas maamusho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.