image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo looga yeeray Muqdisho ka dib safarkii Axmed Madoobe

Dowladda Soomaaliya ayaa wadatashi ugu yeeratay safiirkeedii u joogay dalka Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

U yeerista safiirka ayaa la sheegey in ay la xiriirto safar uu shalay Kenya ku tagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo dowladdu ay saartay xannibaad dhanka socdaalka ah.

Faahfaahin dheeri ah ma aysan bixin dowladda Soomaaliya iyo tan Kenyaba oo ku aadan safarka Axmed Madoobe ee Kenya.

Ilo xog-ogaal ayaa sheegay in loo yeerey Safiirka Soomaaliya ee Kenya si wadatashi loola yeesho, isla markaana su’aalo badan laga weydiiyo safarka madaxweynaha Jubbaland ee Kenya.

Xiriirka dowladda federaalka ah iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa bilooyinkii u danbeeyay xumaa, waxaana dowladdu ay u jartey amar lagu soo xiraayo taasi oo ay Jubbalan uga jawaabtey amar kale oo madaxweynaha dowladda federaalka lagu soo xiraayo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.