image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Fahad Yaasiin oo cadeeyay dowladaha taageera Axmed Madoobe, baaqna u diray Xasan Sheekh

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, waxa uu ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inuu wax badalo arrimihiisa siyaasadeed ee Jubbaland uu kula macaamilayo.

Fahad Yaasiin ayaa qoraalkiisa waxa uu ku soo daray in cudurrada qaar haddii aan la daweeyn Karin loo qaato kaniiniyo si loola noolaado xanuunka.

“Waxaan maqli jiray, war hebeloow labada orod mid daa! Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Axmed Madoobe la dagaalo iyo inuu la heshiiyo midna kartideeda ma lahan, marka labada orod midkood ha daayo” ayuu ku yiri qoraalkiisa Fahad.

Sidoo kale Agaasimihii hore ee NISA, ayaa sheegay in jiraan saddex dowladood oo Axmed Madoobe garab taagan kuwaasi oo dhaqaalo siinaya dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

“Runta kharaarka badan waxay tahay, Madoobe waxaa maanta garab siinaya saddex dowladood oo Madaxweyne Xasan Sheekh dano dhaqaale oo shakhsi ah uu ku qabo labo kamid ah. Qof baahan uma caroon karo qofka uu gacanta u hoorsado” ayuu ku yiri qoraalkiisa Fahad.

Ugu dambeyn Fahad Yaasiin, ayaa qoraalkiisa waxa uu ku soo gabe-gabeeyay nabada iyo colaada waxaa hadda dhaw nabad, “dowladdii hore markii ay la kulantay xaaladan oo kale ay xanuunka la noolatay, ceebna waxaa ah in aad si joogto ah madaxa darbiyada ugu dhufato.”

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.