image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

RW Xamsa oo maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Garsoorka dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garsoorka dalka oo loo dhisayo qaab casri ah, kaasi oo la jaan-qaadaya hannaanka lagu casriyeynayo garsoorka dalka.

Munaasabadda dhax-dhigga dhismaha Garsoorka dalka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hay’addaha caddaaladda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan hay’adaha garsoorka dalka, taas oo ah tallaabo weyn oo loo qaaday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan hay’adaha caddaaladda dalka.

“Hirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis la’aan, tan oo ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.