image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Wasiirka amniga gudaha oo booqday xarunta taliska ciidanka xuduudaha Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa wali ku sugan magaalada Baqdaad, ayaa maanta booqday xarunta taliska ciidamada xuduudaha ee Dowladda Ciraaq, isagoo ay wehlinayaan mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta, waxaana qaabilay Taliyaha Ciidanka Xuduudaha, Sareeyo Guuto Maxamed Cabdil Wahab Sukkar iyo saraakiil sare oo ka tirsan taliska.

Intii ay booqashada ku guda jireen, wafdiga ayaa dhageystay warbixin kooban oo ku saabsan waajibaadka muhiimka ah ee talisku fuliyo, gaar ahaan howlaha lagu xaqiijinayo nabadgelyada xuduudaha dalalka deriska ah, iyadoo la adeegsanayo nidaamyada casriga ah iyo farsamooyinka tiknoolojiyadda horumarsan.

Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigiisu waxay indha indheeyeen xarunta la socodka iyo xakamaynta dalka Ciraaq, halkaas oo sawirrada iyo muuqaalada laga soo duubay xuduudaha dalalka deriska ah looga soo gudbiyo xarunta dhexe ee Baqdaad, si loo fududeeyo kormeerka iyo ilaalinta xuduudaha.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga la-dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya iyo Ciraaq, isdhaafsiga waaya aragnimada iyo farsamooyinka la xiriira ilaalinta xuduudaha.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.