image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

FBI-da Mareykanka oo tiradii ugu badneyd walxaha qarxa kasoo saartay beer ku taalla Virginia

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay inay heshay in ka badan 150 bam kadib howlgal lagu qaaday beero ku yaalla gobolka Virginia – taasoo la aaminsan yahay inay tahay kaydkii ugu weyn ee bambooyinka ee lagu qabtay howlgal ay hay’addu sameysay taariikhda inta la ogyahay.

Brad Spafford ayaa lagu xiray degmada Isle 17-kii Diseembar, taasoo 290 kiiloo mitir koonfur ka xigta Washington DC, ka dib markii la helay xog sheegaysay in hub iyo rasaas lagu sameeyay guriga ay halkaa ku kaydsantahay, isagoo la wadaagay xaaskiisa iyo laba carruur ah oo yaryar.

Baarayaasha ayaa sheegay in qaar ka mid ah aaladaha laga helay qol jiif ah ayna ku jireen boorso aan si wanaagsan loo xirin ” – taasoo loo arkay in ay tahay tixraaca dhaqdhaqaaqa arrintaan.

Qareenka Mr. Spafford ayaa beeniyay in uu khatar ku yahay ninkaan bulshada waxaana uu xoogga saarayaa hadda in laga sii daayo xabsi ay dowladdu ku hayso.

Ninkaan ayaa la tuhunsan yahay ilaa hadda waxaa lagu soo eedeeyay kaliya lahaanshaha qori aan diiwaan gashaneyn, in kastoo baarayaashu ay sheegeen in eedeymo kale ay suurtogal yihiin.

Baarayaasha ayaa sheegay Talaadadii in bambooyinka la qabtay “si kooban loogu qiimeeyay inay yihiin kaydkii ugu weynaa ee hubka qarxa oo dhammaystiran ayna taariikhda qabato FBI-du.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.