image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxey kawada hadleyn Duqa Muqdisho iyo safiirka dalka Suudaan u fadhiya Soomaaliya ?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Mr. Ammar Ahmed babiker, iyaga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wadda shaqeynta labada dhinac, Waxaana kulankan goob joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure.

Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Mr. Ammar Ahmed babiker ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir mas’uuliyada culus ee loo igmaday.

Waxa uu sidoo kale safiirka amaanay horumarada isdaba jooga ah ee ka socda Caasimadda, isaga oo u balan qaaday in safaarada Suudaan ay diyaar u tahay sidii Maamulka Gobolka Banaadir ugala shaqeyn laheyd dib u hagaajinta Bulaacadaha biyamareenka ah iyo hirgalinta warshadaha wax soo saarka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa ugu duceeyay ummada reer Suudaan in ilaahey uu dib ugu soo celiyo Xasiloonidii iyo Dowladnimadii looga dayan jiray, isaga oo uga mahadceliyay sida dad reer Suudaan ay ugarab istaageen dad Soomaaliyeed xiliyadii adkaa ee lasoo maray.

Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Maxamed Amiir, ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo barnaamij kaste oo ay Safaarada Suudaan ee Soomaaliya uga qeyb qaadaneyso horumarinta bilicda Caasimadda iyo in fursada shao loo abuuro dhallinyada.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.