image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Dowladda Burundi oo Soomaaliya ku eedeysay inay ku sameysay khiyaano

Burundi ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay ku sameysay khiyaano markii laga waayay liiska wadamada loo ogolaaday inay ka mid noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM.

Holwgalkan cusub ayaa bilaaban doona Janaayo 2025, waxa uuna badali doona howlgalkii hore ee ATMIS, kaasi oo qorshuhu yahay inuu dhammaado 31 bishan oo maanta ku eg.

Sababta ugu weyn ee Burundi aysan howlgalkan qeybta uga noqon doonin, ayaa waxa ay tahay khilaafka soo kala dhex-galay ayaga iyo Soomaaliya kaasi oo salka ku haya tirade ciidamada ay Burundi dooneyso inay dirto.

Dowladda Burundi, ayaa dooneysa in Soomaaliya u dirto ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 2,000 askari halka Soomaaliya ay u ogaalatay 1,041 taasi oo keentay inay Burundi ka baxdo AUSSOM.

Sarkaal sare oo katirsan Burundi ayaa u sheegay Wargeyska Chimp Reports, inay u arkaan khiyaano iyo abaal la,aan ka timid dhinaca Soomaaliya, maadama aan la tixgelin naf hurnimadii ay sameyeen ciidankooda, xiligii ay dagaalka kula jiraan Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray sarkaal in go,aanka Soomaaliya ku talbatay tiro yar oo ciidamo ah u arkaan inuu halis ku yahay howlgallada ciidamad Burundi.

Sikastaba, Burundi ayaa waxa ay aheyd dalka labaad ee ugu tirade badan ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya u soo diray sanadkii 2007, waxaana xusid mudan in ciidanka Burundi ay door ka ciyareen xoreynta qeybo kamid magaalada Muqdisho, oo Al-shabaab ay gacanta ku hayeen xarumo dowadeed.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.