image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

RW Xamsa oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ansixisey heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay mubaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa xusay in Wasaaradda looga fadhiyo dhammaystirka qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan soo saarista shidaalka.

“Waxaan rabnaa in wasaaraddani dhabaha u xaarto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa jiho dhaqaale oo sax ah, la iskuna lahayn karo, maadama uu dalkeennu burbursanaa mudo dheer, meeshana ay ka baxeen kaabayaashii muhiimka ahaa ee uu dalku lahaa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Xamsa ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda sidii masuuliyadda lahayd ee uu ugu adeeggay Qaranka muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo shaqada adag ee loo hortaalla.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.