image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxey kawada hadley madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Eritrea ?

Magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea waxaa kulan ku yeeshay adaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki, iyaga oo kawada Hadley qodobo kala duwan.

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada dalkaasi, ayaa waxaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Labada madaxweyne, ayaa hoosta ka xariiqay in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya uu laf-dhabar u yahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale labada hoggaamiye ayaa waxa ay si qoto dheer uga hadleen sidii gobolka uu uga hortagi lahaa fara-gelinta dibadda uga imaaneysa, balse haddii ay dhacdo arrintaasi uu gobolka wax uga qaban lahaa.

Dhanka kale, Madaxweyne dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa ka hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Asmara ku dhex-maray Soomaaliya, Eritrea iyo Masar, isaga oo shaaca ka qaaday in uusan lahayn ujeeddooyin aasaasi ah oo aan ka ahayn xoojinta xiriirka iskaashi ee saddexda dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in Eritrea ay kaalin wey ka qaadatay  tababaraa ciidanka xoogga dalka, waxa uuna xusay in xiriir qoto dheer uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Eritrea.

Sikastaba, kulankan ka dhacay Asmara, ayaa ku soo aadaya xili dhowaan heshiis la xiriira arrimaha badda ay dalka Turkiga ku gareen Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.