image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

DF Somalia oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika, kana mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (ASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda mudane Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika, intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go’an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Wuxuuna Wasiirku casuumaad u fidiyey in kalfadhiga kan xiga ay Soomaaliya marti gelin doonto.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.